Somali News

Kenya oo ka hadashay qarax ka dhacay Lamu

Afhayeenka ciidanka Kenya Col Esther Wanjiku oo la hadlay  warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadlay qarax askarka tirsan Kenya lagula eegtay  Magaalada Lamu ee dalka Kenya

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarka uu la haleelay ciidamada Kenya, balse ma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Magaalada Lamu ee dalka Kenya.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro ka fuliyeen deegaanada ka tirsan gobolka waqooyi bari ee Kenya, kaasi oo inta badan lala eeganayay kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya.