Uncategorized

Kenya oo ka hadashay Weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Tuulo hoostagta Mandheera.

Muqdisho-KNN-Daily Nation ayaa Daabacay in dagaalamayaasha Larumeeeysan yahay in Al-shabaab ka tirsanyihiin ay weerar ku qaadeen Tuulo hoostagta Mandheera oo lagu Magacaabo Daaba islamarkaan ay Burburiyeen  Ateeno Isgaasiin oo Magaaladda ku Taalay.

Danniel Bundotich oo ah Gudoomiye ku xigeen deegaanka la weeraray ayaa sheegay in weerar ku dhacay in Saqdii dhexe ee Xalay.

“Qarax weeyn aya ala Maqlay, Booliiskii waardiyaha haayayna waxaa sheegeen in maleeshiyaad Al-shaab ka Tirsan ay magaaladda Sooweerareen” ayuu u sheegay  Daily Nation.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Booliskii ilaalada hayay Midna uusan ku dhaawacmin Weerarka

“Booliiskii Ilaaladda hayay waxa ka Awood Roonaaday Kooxihii weerarka Soo qaaday oo Rasaas adag ku furay LakiinMidna kuma dhaawacmin” ayuu yiri Danniel Bundotich

Gudoomiye ku xigeen ka deegaanka Daaba ee la weeraray ayaa sheegay in Dagaalyahanadda magaaladda weeraray oo Tiro ahaan u dhexeeyay 14 ilaa 20 ay usoo Baxsadeen dhica Soomaaliya oo 7 KM oo kaliya u jirta deegaanka.

“ Kooxdeena ka jawaabeeysa weerarka oo ay ku jiraan Ciidamadda Military-ga Kenya, Maamulka, iyo Qeeybo booliiska ka mid ah  ayaa baadi goobaya Weerra yahanadii waxaayna taagero ka helayaan Soomaaliya” ayuu yiri

Dagaalamayaasha Weerarka Fuliyay ayaa sidoo kale gubay dhisme Shirkad Shiineeys ah oo Shidaal Baareeysay ay ka dhistay meel u dhow Magaaladda ay weerareen.

Gudoomiye kuxigeenka Deegaanka la weeraray ayaa Hadalkiisa ku daray in ay Aaminsanyihiin in Dagaalameyaashu ay Qorsheeynayeen in ay Qaraxyo galiyaan Wadooyinka isku xira Ceel-Waaq iyo Nairobi ama ay Afduubtaan gawaari Laakiin waxaa uu sheegay in ay u diyaar garoobeen ka hortagooda.

Isniintii  lasoo dhaafay ayey ahayd Markii Duleedka Degmadda Ceel-waaq ay Miino kula Qaraxday Gaari ay Saarnaayeen Ciidamo ka Tirsan Milatary-ga Kenya,  Halkaas oo ay ku dhinteen Labo Askari oo Ciidamadda kamid ahaa Todobo kalena ku dhaawacmeen.