Uncategorized

Kenya oo ku raad joogta raga dhalinyarada Kenyaanka ah u qora Al-shabaab

Muqdisho-KNN-Booliiska Kenya ayaa Baadi goobaya Sadex ruux oo latuhunsanyahay in ay Al-shabaab u qoreen dhalinyaro 13 ah oo ciidamadda Kenya ay dhawaan Al-shabaab ka furteen, dhalinyaradaas waxaa laga soo qoray Ismaamul goboledyadda kalifi iyo Lamu.

Dhalinyarada waxaa soo badbaadiyay Ciidamadda military-ga Kenya xilli ay kusugnaayen deegaanka raskambooni ee Jubadda Hoose Axaddii lasoo dhaafay, Waalidiintood ayaa booliiska usoo sheegay in waliishadoodu ay xaalad halis ah kusuganyihiin.

Taliyaha booliiska Malindi Mutawa muchangi ayaa sheegay in Labo ka mid ah ragga labaado goobayo ay daganyihiin ismaamulgoboleedyadda kala ah Lamu iyo Kilifi halka midda saxaadna wali meeelna lagu ogeeyn.

Sida masuuliyiinta Amaanka ay sheegeen mid ka mid ah ragaan lasheegay in ay Al-shabaab dhalinyadda u qoraan wuxuu dhalinyaradda u sheegaa in ay kaluumeeysi ka shaqaynayaan waxuuna siiyaa lacag dhan 5000 oo shilinka Kenya ah.

Kadiba waxaa lagu qasbaa in ay Al-shabaab ka barbar Dagaalamaan.

Al-shabaab waxay Dagaalamayaal ku leyihiin gudaha Kenya, kuwaas oo qaada Weerarro lala beegsado Ciidamadda Amaanka iyo Shacabka mara wadooyinka Gobolka Woqooyi bar.

Xarumo Ganabsi iyo kuwo wax barasho ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha ay Al-shabaab beegsadaan ee Kenya.