Nairobi-KNN-Dowladda Kenya ayaa Abaal-marin lacageed oo gaareysa Sh16 million oo lacagta kenya ah dul dhigtay hogaamiyaha Al-Shabaab ee Gudaha Kenya Ahmed Iman aka Abu Zinnra iyo Todobo kale oo ka mid ah xubnaha ugu sareeyo Shabaabka Kenya ka dagaalama.
Kenya ayaa sheegtay in abaal-marintaan ay siin doonto qof kasto oo xog ka keena halka uu joogo hogaamiyaha Shabaab ee gudaha kenya kaas oo la aaminsan yahay in uu ku dhumaaleysanayo Wadankaasi.
Hogaamiyaha Al-Shabab ee dalka Kenya oo lagu magacaabo Ahmed Iman aka Abu Zinnra iyo todobada qof ee kala ayaa la rumaysan yahay in ay iskaga baxeen Al-shabaab,ka dib markii uu soo kala dhex galay is fahan-waa taasi oo la sheegay in Al-Shabaab ay amreen in la dilo sida ay qoreen Warbaahinta kenya.
Waxaa la sheegay in ninkaan iyo raga la socda ay hadda qorshanayaan in kooxo iyaga u gaar ah samaystaan isla markaana saldhig ka dhigtaan Keymaha booni ee dalka Kenya halkaasi oo noqotay Xarunta ay Shabaab ka soo Abaabulaan weerarada kenya ka dhaco.
Kenya ayaa hore sidaan oo kale Lacag u dul dhigtay dad ka tirsan Shabaab oo la baadi goobayo inkastoo aysan jirin ilaa cid soo sheegtay kuwii hore,
Dowladda kenya ayaa la daala-dhaceysa amaankeeda waxaana joogto ka noqday weeraro sababay khasaaro badan oo dalka soo gaaray.