Muqdisho-KNN-Wargeyska the standard ee kasoo baxa Kenya ayaa warbixin uu ka diyaariyay qiimaha Kenya uga baxa dagaalka Soomaaliya wuxuu ku sheegay in maaalaayiin Shilling-ka Kenya ah ay dowladdu ku bixiso dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab.
Dowladda Kenya sooma aysan bandhigin tiradda askarta ah ee looga dilay Soomaaliya iyo cadadda rasmiga ah ee kharashka dagaalka uga baxay.
Masuuliyiin Military Ka tirsan oo si hoose wargeeyska ula hadlay ayaa sheegay in askari kasta ee Kenyan ah kana dagaalamaya Soomaaliya ay maalintii ku baxdo lacag dhan 7000 oo shilling-ka Kenya ah, bishiina waxaa ku baxa 210,000 oo shilling halka Sanadkiina ay ku baxdo lacag dhan 2.52 Million .
Ugu yaraan 4000 oo askar Kenyan ah ayaa Soomaaliya ka dagaalanta waxaana ku baxa kharash ka badan 10 billion oo Shilling-ka Kenya ah Sanadkii si ay dagaalka ugu jiraan.
Madaxweeynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeeystay in Ciidamadiisu ay Soomaaliya sii joogi doonaan ilaa iyo inta ay Meesha ka saarayaan qatarta ay Al-shabaab Dalkiisa ku hayaan, laakiin mucaaradka Kenya ayaa Xukuumadda Kenyatta ku cambaareeyay tilaabadaas waxayna ku doodeen in Ciidamadda Kenya looga Fiicanyahay in Soomaaliya ku dhintaan waxayna taas badalkeeda soo jeediyeen in ciidamadda Kenya ay amaanka dalkooda ka sugaan xuduudda.
Kaso koow Balaayiinta Dollar ee Kenya ay ku bixiso dagaalka Somaaliya waxaa jira Ciidamo badan oo Al-shabaab ku dileen guda Soomaaliya tan iyo Sanadkii 2011 kii.
Weeraddii ugu qasaaraha badnaa ee ciidamadda Kenya ay Al-shabaab kala kulmaan waxay kala ahaayeen Weerarkii Ceel-cadde 2016 kii iyo kii Kulbiyoow ee 2017 kii.