Uncategorized

Kenya oo lacago dul dhigtay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

Muqdisho-KNN-Dowlada Kenya ayaa lacago duldhigtay 8 nin oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab isla markaana ay qorsheynayeen in weeraro ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

Shaqsiyaadkaan Ciidamada Kenya ay dul dhigeen lacagaha ayaa waxa ay kala yihiin Isaaq Caliyow Maxamed, Raxiim Maxamed Sheekh, Bashiir Xareed Xuseen, Bashiye Aadan Cusmaan Kulu, C/rashiid Ibraahim Aadan Cusmaan, Siyaad Ibraahim C/laahi, Cabdi Maxamed Ibraahim iyo Maxamed Maxamuud Maxamed.

Dowlada Kenya ayaa ragaan dul dhigtay shaqsigiisa lacag dhan 2 Milyan oo lacagta Kenya ah, guud ahaan sideedooda lacagta la dul dhigay ayaa noqoneysa 16 milyan oo Shilinka Kenya ah oo u dhiganta 20,000 oo dollar Mareykaka ah.

Ciidamada Booliska ee dalka Kenya ayaa shacabka dalkaas ka dalbaday in Ciidamada ay u gudbiyaan wixii xog ah oo ay ka helaan raggan oo sawiradooda lagu baahiyay, baraha bulshada, waxaa kaloo shacabka loo soo jeediyay in ay gacan ka geystaan sidii raggan shrciga loo geyn lahaa, sidaas waxaa warbaahin u sheegay Charles Owino oo ah afhayeenka ciidamada Booliiska ee Kenya.

Charles Owino Afhayeenka Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in raggan ay ku dhuumaaleysanayaan degaano ka tiran Gobolka Waqooyi Bari iyo keynta Boni isla markaana ay ku raad jiigaan.

Ciidamada Dowlada Kenya ayaa maalmihii dambe waday howgalo ay ku tilmaameen in ay ugu hor tagayaan weeraro ay sheegeen in ay qorsheynayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, iyagoona hadda raggan ay soo bandhigeen ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab isla markaana weero ay qorsheynayeen.