Muqdisho-KNN-Taliyaha Booliska ee Gobolka Lamu Paul Leting ayaa sheegay in la xiray nin looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab, Xili uu watay waxyaabaha qarxa.
Sidoo kale taliyaha waxaa uu tilmaamay in Ciidamada booliska ay baaritaano ku wadaan,islamarkaana dhawaan sharciga la horgeyn doono.
Ciidamada Amaanka ayaa waxaa laga dalbaday in ay ka hortagaan falalka amni daro ee ka jira gobalka Lamu,isagoona sheegay in heegan buuxa la geliyay ciidamada.
Dowlada Kenya ayaa marar badan waxaa ay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Al-Shabaab.