Muqdisho-KNN-Isbaheeysiga Mucaaeadka Kenya ee NASA ayaa sheegay in Kenya ay Qarka usaarantahay in ay qaado wadadii ay mareen Dalalka Soomaaliya iyo koofurta Sudaan hadii Madaxweeyne Uhuru Kenyatta uusan wada hadal lagalin Hugaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga ka hor 30 ka Bishaan January.
Kalonzo Musyoka oo ka ka mid ah Hugaanka ugu sareeya Mucaaradka Kenya ayaa sheegay in Wadahadalku uu keeni karo Waddo ka duwan midda ay ka digayaan, uuna sahli karo in ay Dowladda iyo Mucaaradku is Fahmaan.
Wuxuu ku booriyay hugaanka Xisbiga Muxaafidka ah in ay Wada hadal qaataan, Isagoo sheegay inloo baahanyahay in Uhuru uusan u arkin Difiicnimo Mucaaradka oo lala hadlo.
“Difiic ma ihid hadii aad fahanto Xaaladda Dalka aadna muujiso Hugaan, Hadii aanan hadda wada hadlin, Nuuca wada Hadahalkena ee wixii ka Dambeeya 30 january wuxuu Noqon doonaa midka Soomaaliya iyo Koofurta Suudan oo kale” ayuu yiri Kalonzo.
Warbahinta Kenya ayaa Hadalka Mucaaradka u Fasirtay in ay Qorsheeynayaa Awood Suurta galin karta in ay Xukuumadda la gor-gortamaan.
NASA waxaa ay ku Goodiyeen in ay Kolonzo iyo Raila Dhaarin doonaan 30 ka Bishaan hadii Uhuru uusan Aqbalin in uu Wada hadal lagalo Raila Odinga.