Uncategorized

Kenya oo malaayin Dollar dul dhigtay koox Al-shabaab ah oo qorsheenaysa weeraro ay ka geystaan dalkaasi.

Muqdisho-KNN-Booliska Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqay baadi goobka Taliye sare iyo shan qof oo la tilmaamay inay yihiin kuwo xiriir la leh Al-shabaab kuwaasi oo lagu eedeyay inay dhowr weerar ka geesteen gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Booliska ayaa dadkaan duldhigay lacag dhan oo gaareysa 20,000 oo doolarka Mareykanka qofkiiba, cidii macluumaad horseedi kara in lasoo xiro shaqsiyaadkaas lagu abaal marin doonaa lacagtaasi.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in dadkaan ay maleegayaan weeraro ka dhan ah dalkaasi bariga Africa dhaca ee Kenya.

Saraakiisha ayaa soo bandhigay magacyada iyo sawirada kooxdaan waxana ay kala yihiin sarkaalka sare ee koxdaasi hogaaminaya ayey ku sheegeen Issack Alio Mohammed oo ah muwadin Kenyan ah oo ku taqasusay qaraxyada iyo Abdiwhab Osman, Hareth Hillow, Kusow Yarrow iyo Mumina Erobe oo dhamaantood lagu eedeeyay in ay ku howlan yihiin weeraro ay ku qaadan gudaha dalka Kenya.

Laamaha amaanka Kenya ayaa shacabka ka dalbaday inay soo gudbinayaan macluumaadkaan kooxdaan u abaabulan qaraxyo ay ka gaystaan magaalooyin ay caasimada kamid tahay.