Somali News

Kenya oo markii ugu horeysay ka hadashay weecinta duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi

Muqdisho-KNN-Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeesay war kasoo saartay sababta ay u joojisay duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi.

Kenya ayaa ku sheegtay sababta ay u hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee iskaga kala gooshi jiray magaalayoonka Muqdisho iyo Nairobi sababo amni.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay joogsadeen duulimaadyadii magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi iyadoona Kenya kuwar galisay dowlada Soomaaliya in diyaaradaha kasoo baxa soomaaliya ay tagi doonaan magaalada Wajeer ee waqooyi bari dalka Kenya.

Wasaarada arimhaa gudaha Kenya ayaana illaa iyo haatan si rasmi ah uga hadlin sababta loo joojiyay duulimaadyada, balse Gilbert Kibe, oo ah madaxa guud ee waaxda duulimaadyada dalka Kenya ayaa wargayska Daily Nation u sheegay in sababta ka danbeesay in lahakiyo duulimaadyadii muqdisho iyo Nairobi ay tahay sababo amni.

9’kii bishan ayay ahyd markii Kenya ay ku wargalisay wasaarada duulita Soomaaliya in ay hakiso duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi iyadoona wareegatadaasi lagu  sheegay in ay sii socondoonto xayiraada tan iyo 9’ka bisha august ee sandkan 2019.

Wasiirka Gaadiidka iyo Guulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar  ayaa ku tilmaamay go’aanka ay dowlada Kenya ku joojisay duulimaadyadii garoomada Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta uu yahay mid siyaasadeed.