Somali News

Kenya oo Nairobi iyo Garissa ka baadi goobaysa Ciise Tarabuun

Nairobi-KNN-Booliska Dalka Kenya ayaa bilaabay howlgal lagu baadi goobayo madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee la sheegay inuu galay dalka Kenya.

Saraakiisha dalka Kenya ayaa sheegay in Madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee C/waaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaan Ciise Tarabuun,laga baadi goobayo wadada isku xirta Magaalooyinka Nairobi iyo Garissa.

Booliska dalka Kenya ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda twitter-ka ku sheegay in Ciise Tarabuun uu Kenya soo galay 24-kii September 2019. Si kastaba booliiska ma aysan shaacin sida Ciise Tarabuun uu dalkaas kusoo galay.

Qoraalka booliska Kenya oo uu wehliyey sawirka Ciise Tarabuun ayaa dadweynaha Kenya looga codsaday inay saldhig boolis ee ugu horreeyey kusoo war-geliyaan haddii ay arkaan ama ay helaan akhbaar la xiriirta Ciise Tarabuun.

Dawladda Soomaaliya ayaa 19-kii June, 2017 shaaca ka qaaday in howlgal laga sameeyey qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha lagu soo qabtay Ciise Tarabuun oo xiligaas ahaa madaxii amniyaatka Al-Shabaab.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xiligaas sheegay in howlgalka lagu soo qabtay Ciise Tarabuun uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu yahay guul ay soo hooyeen ciidanka xasilinta caasimadda.