Uncategorized

Kenya oo sheegtay in Al-shabaab ay ka furteyn dhalinyaro kenyaan ah oo horay ugu biiray

Kismaayo-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka  oo baxaya dagaal xoogan oo muddo saacado ah socday oo u dhaxeeyay Ciidamada Kenya, kuwa maamulka Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab kuwaas oo ku dagaalamay duleedka Magalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada Booliiska ee Kenya oo faafaahin ka bixiyay dagaalkaas kadib ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka soo furteyn 13 dhalinyo oo Kenyaan ah oo tababar ku qaadanayay deegaanka Raas-kambooni ee gobolka Jubadda Hoose.

Af-hayeen u hadlay ciidamada Boolooska Kenya ayaa sidoo kale sheegay in ay la soo xariireen waalidiinta dhalinyaradaasi la soo furtay ka hor inta aysan qaadin dagaalkaas taas oo ay sheegeen in ay ka caawisay soo furashada dhalinyaradaasi.

Af-hayeenka ayaa dhanka kawarbixiyay sida dhalinyarada Kenyanka ah ay ugu  biiraan Al-shabaab wuxuuna yiri Dhalinyaradan Soomaaliya waxay ka soo galeen degaanka Kayunga, iyaga oo isticmaalayay Doomo, hami dhaqaalana markii hore la galiyay, kadibna ayaa waxaa ku adkaatay tababaro culus ee Shabaab ay siinayaan, ayuu yiri Af-hayeenka.

Laamaha amaanka ee dalka Kenya ayaa dhalinyarad Kenyaanka ah ka midka ah Al-shabaab u balan qaaday in aan la dhibaateyn doonin hadii ay ka soo baxaan Al-shabaab, xili ay tilmaameyn in dhalinyaro Kenyaan oo badan ay ka mid yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.