Somali News

Kenya oo sheegtay in amaanka dalkeeda ay ka sugayso gudaha Soomaaliya

Nairobi-KNN-Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay laba  arimood oo kala ah Ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya iyo Dhakhaatiir dhowaan laga soo afduubtay Kenya oo lala soo aaday dhanka Soomaaliya.

Aadan Barre ayaa sheegay in Ciidamada Kenya eek u sugan Soomaaliya ay u joogaan ilaalinta dalka Kenya oo Alshabaab ay weeraro ka gaystaan  asagoo sheegay in sababta ay Ciidamadooda u joogaan magaalada Kismaayo ay tahay ilaalin amaanka Kenya.

Dhanka kale mar uu kahadlayay labo dhakhaatiir dhowaan laga soo afduubtay magaalada Mandhera ayuu shacabka magaalada Belad-Xaawo waxa uu ku eedeeyay in ay ka faaiidaystaan Caafimaadka dhakhaatiirta Kenyaanka ah taas bedelkeedana ay magaaladoodu marin u tahay kooxaha falalka amni daro ka geysta gudaha dalka Kenya.

Halkaan ka dhagayso:-