Nairobi-KNN-Saraakiisha Military Kenya ee qaabilsan Howlgalka lagu bur burinayo Fariisamaha Dagaalamayaash Shbaab ay ku leeyihiin gobalka Lamu ayaa iska fogeeyay eedeen kaga timid Saraakiil kale oo ka tirsan Gobalka Lamu ee dalka kenya taas oo aheyd in aysan jirin wax natiijo ah oo ka soo kordhay Howlgalkii labo sano ka hor laga bilaabay Lamu.
Taliska Howlgalka Luma ee Dowladda Kenya ayaa sheegay in Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF ay heleen Saddex Saldhig oo ay lahaayeen Dagaalamayaasha Al-shabaab ay bur buriyeen.
Saraakiisha amniga Kenya ee Lamu ayaa sheegay in saddex Saldhig oo ay Al-shabaab ka soo weerar tagi jireen lagu bur buriyay kuwaas oo ku yaala Degaanka Witu ee Galbeedka Lamu sida ay sheegeen Laamaha amniga Kenya.
Agaasimaha howlgalka amni soo celinta Keynta Booni Joseph Kanyiri ,ayaa saraakiisha Amaanka ka horsheegay in hadda wixii ka dambeeya ay yaraan doonaan weerarrada Al-shabaab ay ka fuliyaan Gobolka Xeebta ah kaddib howlgal ay Diyaaradaha Kenya ku beegsadeen Saldhigyada Al-shabaab ku leeyihiin deegaankaas.