Somali News

Kenya oo sheegtay in ay dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay in ay dileen sadax katirsan dagaalamayaasha al-Shabaab halka midkalana ay soo qabteen kadib is dagaal ku dhaxmaray labada dhinac deegaanka Buula Xaaji ee gobolka Jubadda Hoose.

Wasiirka difaaca Kenya ayaa war uusoo saaray ku sheegay in weerarkan ay qadeen ciidamada dalka Kenya qaybtana ka ah kuwa nabad ilalinta midowga afrika ee Amisom isagoona intaasi sii raaciyay in al-Shabaab ay kasoo furteen labo qore oo nuuca AK 47’ka ah.

Afhayeenka ciidamada Kenya Paul Njuguna, ayaa dhankiisa sheegay in dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab ay sii wadi doonaan si ayuu yiri loosugu amniga iyo nabadda dalka Kenya. 

Afhayeenka ciidamada dalka waxa uu sidookale intaasi sii raaciyay in ciidamada dalka Kenya ay diyaar u yihiin in Amisom ay ka gacansiiyaan xasilooni kusoo dabaalida dalka Soomaaliya.

Horaantii bishii Janaayo ee aanu kasoo gudubnay ayay markii ciidaamada Kenya ay sheegeen in 7 katirsan dagaalamyaasha ay ku dileen halka tirakale oo aanan lashaacinna ku dhawaaceen hawlgalo ay kafuliyeen Koonfurta Soomaaliya.