Somali News

Kenya oo sheegtay in ay ka hortagayso weerarada Al-shabaab

Xilli ammaanka dalka Kenya uu faraha kasii baxayo ayay dowladda Kenya  isku dayaysaa in ay adkeyso ammaanka gudaha wadankaasi.


Saraakiil ka tirsan Kenya  ayaa sheegay in ay diyaariyeen boqolaal askari dheeri ah, kuwaasi oo  loo diri doono  xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Mas’uul u hadlay dowladda Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo isugu jira Melleteri iyo Boolis ay geeyeen deegaannada xududda  u dhexeysa Somalia iyo Kenya  si ay uga hortagaan weerarada joogtada noqday  ee ka imaanaya Al Shabaab.

Saraakiil katirsan wasaaradda G/dhigga ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada oo isugu jira Boolis iyo Melleteri ay saldhigyo ka dhigan doonaan xuduudda .

Dowlada kenya ayaa wado qorsho looga hortagayo weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan gobolkaSi.