Uncategorized

Kenya oo sheegtay in ay ku guuleysatay qeyb ka mid ah hadafkii ay ka laheed M/Jubaland

Muqdisho-KNN-Wargeeyska the star ee kasoo baxa Kenya ayaa Qoray warbin uu Ciwaan uga dhigay Hadal uu sheegay  Agaasimaha Xafiiska Dacwad oogista Kenya oo ahaa “jubaland waxaa u abuurnay si aan u sugno Amaanka Xuduudaha Kenya”.

Qorshaha Kenya ay ku Abuureeysay Maamul Goboleedka Jubaland waxaa la gaban gabeeyay horraantii Sanadkii 2010, Gabagabadii hanaanka Sameeynta Maamulkana Kenya waxay Dowladda Soomaaliya ku warejisay 2013 kii kadib shir ka dhacay Magaalada Kismayo ayaa lagu xusay warbixinta uu qoray wargeyska the star.

Nuuru diin xaaji oo ka hor Xilkaan Cusub ee uu u Magacaabay uhuru Kenya ahaa Agaasime ku xigeenka Heey’adda sirdoonka Kenya, intii u dhexeeysa Sanadihii 2010kii iyo 2013kii-na ahaa Wasiirkii Difaaca Kenya ayaa Gudoomiyay shir Urur Goboleedka IGAD uu ku magacaabay Guddi Xasilinta Soomaaliya loogu talo galay, Kenya ayaana markas Hugaanka uqabatay Hanaankii loo maray Sameeynta Maamulka Jubbland, sida uu Qoray wargeeyska Star.

Nuuru diin wuxuu sheegay in uu ku guuleystay Sameeynta Maamulka Jubaland, wuxuu yiri “Kenya waxay Xaqiijisay Amaanka Deegnadeeda iyadoo abuureeysa Agaag saamaxaya”

Isagoo Xillibaanadda Baarlamaanka Kenya u sharaxayay Wax qabadkiisii ayuu faahfaaahin dheer ka bixiyay lugtii Kenya ay laheeyd Sameeynta maamulka Jubaland, wuxuuna Nuuru diin ku faanay in Qorshaha uu isagu garwadenka ka ahaa uu Kenya u xaqiijiyay Hadafkii ay la lahayd Sameeynta Jubbaland sida uu hadalka u dhigay.

Magaaladda Balad xaawo oo ka Tirsan Maamulka Jubaland Dhacdana Xuduudda Soomaliya iyo Kenya ayaa hadda waxaa ka socda Darbi ay Dowladda Kenya Dooneyso in ay mariso qaybo ka mid ah Degmadda Baladxaawo.

Madaxtooyadda Kismaayo hormuud uma aysan noqon Xal u raaadinta Darbiga Xuduudda Kenya ay ka dhiseeyso, marka laga reebo Masuuliyiinta Gobolka Gado oo muu jiyay dhaqdhaqaaq ka dhan ah Darbiga Xuduudda ay Kenya ka dhiseeyso.