Muqdisho-KNN-Booliiska Kenya ee jooga Magaaladda Bomet ayaa sheegay in ay qabteen xaddi badan oo qalabka Qaraxyadda loo adeegsado ah iyo fiilooyinkii lagu xir-xiri lahaa kuwas oo la aaminsanyahay in lageeyo Nairobi si weerar argagixiso loogu fuliyo.
Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya oo soo xiganaya Saraakiil Booliis ayaa daabacay in 1,750 kiilo garaam oo Kiimikadda ammonium nitrate loo yaqaano ah iyo 50 fiilooyinka lagu xirxiro walxa qarxa ay ciidanku qabteen wada isku xirta Magaalooyinka Narok iyo Bomet.
Sida uu sheegay Taliyaha booliiska Bomet Naomi Ichami, gaariga xamuulka ah ayaa lagu qabtay bar ay ciidanku ku leeyihiin duleedka magaaladda Bomet.
Booliiska ayaa xiray Joseph Wang’ombe oo 37 jir ah, islamarkaana ah dara walkii gaariga waxaana lala sugayaa isniinta oo maxkamad lasoo taagi doono.
Gaari waxaa iska leh shirkad ka shaqaysa hagaajinta kiimi kooyinka, hase ahaatee dambi baareyaasha booliisku waxay aaminsanyihiin in Qalabka uu gaarigu siday la doonayay in weerar loo adeegsado.
Darawalka waday gaariga xamuulka ah kaligiis ayuu saarnaa gaariga, sida ay booliisku sheegeen, mana uusan iska caabin ciidanka balse si nabdoon ayaa xabsiga loogu taxaabay.
Afayeenka Booliiska Kenya Charles Owino ayaa sheegay in ciidanku ay howlgallo is xig-xigay ku qabteen rag la aaminsanyahay in ay Al-shabaab ka tirsanyihiin.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Kenya ku qaaday weerarro xirfadeeysan dhiig badanne ku daadiyay dalkaasi, waxaa ugu dambeeyay weerarkii Magaaladda Nairobi ka dhacay 15kii January kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux oo shacab u badan.