Somali News

Kenya oo sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay madaxii qorshaynta ee weerarkii Hotel DusitD2

Muqdisho-KNN-Ha’adaha  amniga ee dalka Kenya ayaa waxa ay shaaciyeen in ay gacanta kusoo dhigeen ,nin ay sheegeen in uu  ka dambeeyay weerarkii ay  Al- Shabaab ku qaadeen Hotel DusitD2 ee magaalada Nairobi.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Fawaz Ahmed Hamdun oo ah 28 jir ,ayaa waxa ay sheegeen hay’addaha ammaanka dalkaasi Kenya ,in ay in muddo ah  ku raad joogeen ugu dambayntiina todobaadkan gudihiisa ay ka soo qabteen guriga uu deganaa oo ku yaallay deegaanka Majende oo ka tirsan Mombasa.

Dawladda Kenya ayaa intaa waxa ay ku dartay in Fawaz Ahmed Hamdun uu ahaa madaxa qorshaynta weerarkii Hotel DusitD2, isagoo sidoo kalena martigeliyay shakhsigii isku qarxiyay Hotelka, kaas oo magaciisa lagu sheegay Mahir Riziki oo dawladdu ay sheegtay in uu ka soo baxay Soomaaliya.

Waxaa kale oo dawladda Kenya ay ku eedaysay Fawaz in uu qori jiray Dhalinyarada si ay ugu biiraan Al-Shabaab.

Dhismaha Hotel Dusit D2 oo ku yaalla xaafada Westland ee magaalada  Nairobi oo ay weerar ku qaadeen Al Shabaab ayaa waxa la sheegay in ay ku dhinteen illaa 21 ruux oo is kugu jiray dalxiisayaal reer Galbeed ah iyo qaar kale oo Hotelka degenaa.