Uncategorized

Kenya oo sheegtay in ay soo qabtayn Al-Shabaab oo dhawaan Macaliimiin ku dilay Gobalka waaqoy Bari.

Muqdisho-KNN-Rag looga shakisanyahay in ey katirsanyihiin Alshabaabka ka dagaalama kenya ayaa la xiray kuwaa oo lagu tuhmayo in ey soo maleegeen weerar Dabayaaqadii Asbuucii hore lagu dilay 3 Macalin oo kenyaan ah iyo mid kamid ah macalintaa la dilay xaaskiisii kana soo jeeday deegaanada kale ee dalka Kenya.

Madaxa Amaanka Gobolka waqooyi bari kenya Mohamud Salah oo hadal ka jeedinayay Madal tababar loogu furuyay Saraakiil Sar sare oo katirsan Taliska ciidanka Gobolka Waqooyi ee kenya ayaa sheegay in lasoo qabtay Labo qof oo looga shakisanyahay in ey weerarkaa wax ka ogaayeen.

Mohamud Salah Faaffaahin intaa ka dheeriya kuma uusan darin.

Balse Saalah ayaa dhanka kale waxa uu canaan kala dul dhacay qaaar kamid saraakiisha amaanka waxa uuna sheegay in qaarkood eysan shaqadooda qabsan kuwaana waxa uu ugu goodiyay in ey shaqadoodi ey waayi doonaan qaarkoodna ey maxkamad mudankaraan.

Sidoo kale waxa uu sheegay Mohamud Salah in ey heebtooda garanayaan qaar kamid Saraakiisha Alshabaab ee keenya ka baxay kuwaa oo ku eedeeyay in ey ka danbeeyaan weerarada ka dhaca gudaha Kenya.

Dhowrkii Isbuuc ee ugu danbeeyay ayaa Garabka Alshabaab ee kenya ee Al-eyman lagu magacaabo waxa ey weerarro xiriir ah ka fulinayeen gobolka waqooyi bari ee kenya.

Waxaana ugu danbeeyay weerarkii lagu dilay Sedex Macalin Iyo gabar mid kamid macalimiinta uu qabay uu ka dhaca deeganka qarsa Waabirigii hore ee Jimcihii lasoo dhaafay oo ku dhaw magaalada Wajir.