Somali News

Kenya oo sheegtay in gobolka Meru uu galay faqri aad u xun ah markii la joojiyay Qaadkii Soomaaliya

Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Mira  ee dalka Kenya ayaa waxay dhigeen mudaaharaad ay kagasoo horjeedaan xayiraada saaran Qaadka Soomaaliya loo dhoofin jiray oo ku dhawaad muddo saddex bilood xayiran.


Isbahaysiga ganacsatada daroogada, beeralleyda, ururada ganacsatada iyo kooxaha diimaha ee Kenya waxay u ololeynayaan inay ku guuleystaan dhoofinta alaabada ay ka mid yihiin Qaadka, iyagoo dowladda Soomaaliya ugu yeeray inay xayiraada ka qaado qaadka.

Ganacsatada oo fariin u diray dowladooda ayaan rumeysan Qaadka la’aantiisa (Meru) in magaaladoodu ku noolaan doonto faqri aad u xun.

Waxay sidoo kale walaac hor leh ka muujiyeen xayiraada saaaran xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badan tahay, kadib markii lagusoo rogay bandow xoogan, taasoo keentay inuu istaago ganacsigii Qaadka ee xaafaddaas.

Dowladda Kenya ayaa maalin walba dhaqaale xoogan ka heli jirtay Qaadka ay u dhoofiso Soomaaliya. Waxaana joojintaan ay sababtay inay hoos  udhacdo nolasha qoysas badan oo ku tiirsanaa ka ganacsiga Qaadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u xayirtay soo dejinta Qaadka dalka gudihiisa iyadoo laga hortagayo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus, balse weli uu qaadka si qarsoodi ah uu ku soo galo dalka.