Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa sheegay in ay dileen 11 kamid ah dagaalamayaasha Al-shabaab kuwaasi oo kusugnaa degaanka Kudaay ee Jubada Hoose.
David Goldman Agaasimaha la dagaalanka Argagexisada iyo amniga qaranka taxliiliyana arrimaha Sirdoonka geeska Africa ayaa sheegay in laba Kolonyo ay la socdeen Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab lagu burburiyay duqeynta ay ciidamada Kenya ka geysteen degaankaasi, sidoo kale howlgalka waxaa daba socday mid dhinaca lugta ah.
Waqti hore Dagaalamayaashaasi al-shabab ayaa weerar ku qaaday gaari ay la socdeen ciidanka Jubaland waxaana ay sheegteen inay weerarkaasi kaga dileen 7 askari 3kalana dhaawac uuso gaaray.
Ciidamada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradahooda nooca qumaatiga u kaca ay duqeeyeen gaarigii kooxda hubaysneed ay la socdeen oo kusiijeeday Kuday waxaana halkaasi lagu bartilmaamaysaday dagaalamayashi la socday iyo hubkoodi.


