Somali News

Kenya oo sheegtay in qaxooti Soomaali ah ay ku soo laabteen dalka.

Muqdisho-KNN-Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ku soo celisay Dad gaaraya 300,000 qof ,  iyadoo la adeegsanayo Barnaamijka dib u celinta Khiyaariga ah ee la bilaabay Sanadkii December 2014kii.

Dowladda ayaa sheegtay in ay dib u celinta Qaxootiga la kaa shatay hey’adda Qaramadda midoobe  u qaabilsan Qaxootiga.

Soomaaliya, Kenya iyo UNHCH ayaa dabayaaqadii 2013kii waxaa ay gaareen heshiish Sedax geesood ah, kaasi oo u jeedkiisu ahaa in Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha dhadhabaab ee Doonaya in ay Dalkooda ku soo laabtaan loo fududeeyo sidii Soomaaliya ku imaan lahaayeen.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, Hogaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre ducaale iyo Gudoomiyaha ismaamulka Garisa Calli Qorane ayaa Jimcihii booqday Dhadhabaab waxaa ayna u kuur galeen xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee wali ku jira xeryaha.

Ruto ayaa sheegay in ay wali jiran tiro badan oo Soomaali ah, kuwaas oo doonaya in laga caawiyo sidii ay Dalkooda ugu soo noqon lahaayeen.

QM ayuu ka codsaday in ay sii wado fududeynta Barnaamijka Dib u celinta khiyaariga ah.

Wali waxaa ku jira Xeryaha Qaxootiga Kenya 200,000 oo qoxooti ah, Dowladda Kenya ayaana sheegtay in Dadkaas amniga ay diiradda saareyso, maadaama ay bateen Weeradda Al-shabaab ay Dalkaas ka geystaan.

Kenya ayaa horay u sheegtay in Al-shabaab ay ku soo dhex dhuuntaan Dadka Qaxootiga ah.