Somali News

Kenya oo sheegtay in qaxootiga soomaalida ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha Gobolka Tana River, Dhadho Godhana ayaa sheegay in dhamaan qaxootiga soomaalida ee ku sugan dalka Kenya ay tahay in dalkooda ay dib ugu laabtaan.

Godhana, gudoomiyaha ismaamulka Tana River, ayaa yiri Soomaaliya hadda waa amaan sidaas darteed waxaa haboon in qaxootiga Soomalidu ay dalkooda dib ugu laabtaan dhistaanna.

Gudoomiyaha ayaa sidookale aad u cambaaray’yay weerarkii galabnimadii Talaadada ay al-Shabab ku qaadeen hotel ku yaalo caasimada Nairobi halkaas oo ay ku dhinteen 21 ruux.

Gudoomiyaha Gobolka Tana River sidookale wax uu ka dhawaajiyay in joogitaanka qaxootiga Soomaalida ee Kenya aysan wax faa’iido ah soo kordhineenin taas badalkeedana ay ka dhax leen qalal dhanka amniga ah.

Godhana ayaa soo hadal qaaday joogitaanka ciidamada Amisom ee Somalia isagoona sheegay in Amisom ay Soomaaliya si wanaagsan u sugeen waqti xaadirkanna aysan jirin cabsi ay qaxootiga Soomaalida ka qabaan in dalkooda ay ugu laaban.

Haldakan xanafta leh ee kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Tana River ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaalida ku sugan gudaha Kenya ay cabsi wayn ka qabaan go’aanka ay dowlada Kenya ka qaadan karto kadib weerarkii Nairobi oo ay ku dhinteen in kabadan 20 ruux.