Somali News

Kenya oo sheegtay in rag looga shakisan yahay Al-shabaab ay gacanta Ku dhigeen

Laamaha Amniga Kenya ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen in ilaa 5 ruux ay u xireen weerarka khasaaraha badan dhaliyey ee shalay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen Xerada Simba ee degmada Manda Bay ee Gobolka Lamu.

Xerada la weeraray ayaa waxaa saldhigyo ku leh ciidamada badda ee dowladaha Kenya iyo Maraykanka, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ayu ku gubeen gawaari badan iyo diyaarado dagaal.

Gudoomiyaha nabadgalyada ismaamulka Lamu Irungu Macharia  ayaa sheegay in gacanta lagu haayo 5 Ruux oo laamaha Ammaanka uga shkiyeen  inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab kana dambeeyeen weerarkaas.