Muqdisho-KNN-Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Al-Shabaab ay faarujiyaan Guud ahaan Lamu iyo Boni oo ah meelaha ku xoogan yihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Warbaahinta kenya oo soo xiganeyso Agaasimaha howlgalka xoreynta Boni ee Kenya Joseph Kanyiri,ayaa sheegay in 5; ka mid ah Al-shabaab ay dileen islamarkaana ka furteen 6 Qori oo AK47 ah,321 xabbo oo Rasaas ah,Saddex Garneyl iyo Waxyaabaha qarxa.
Howlgalka Ciidamada Kenya ayaa jirsaday lix sano Bishan ayuuna gaarayaa sanadkii lixaad,Al-shabaab waxaa ay wali ka dagaallamayaan gudaha Kenya waliba si ka xoog badan sidii howlgalka Al-shabaab ee gudaha Kenya uu ahaa ka hor 2011kii.
Joseph Kanyiri,waxaa uu sheegay in Ciidamada KDF ay sameyaan howlgal joogto ah joogitaankooda degaankaasna uu aad u badanyahay islamarkaana ay helaan xogta Ragga ka tirsan Al-shabaab.
Al-Shabaab mudada ay halkaasi ku sugnaayeen waxay dileen Muwaadiniin badan oo kenyan ah waxaana ay saameeyeen dhamaan Dahqaalihii kenya ka soo gali jiray magaalada Lamu ee Dalkaasi.