Nairobi-KNN-Ganacsatada Kenyan-ka ah ee Khaadka keena Soomaaliya ayaa waxaa ay ka walaacsan yihiin saameyn ay sheegeen in khaadkooda uu ku yeeshay suuqyada Soomaaliya.
Wargeyska the Business daily ee ka soo baxa Wadanka Kenya ayaa daabacay in dowladda Kenya ay ku guda jirto sidii suuq horleh ay ugu heli lahayd khaadka ama jaadka ka soo baxa dalkeeda.
Kenya ayaa la sheegay in ay suuqyo ka baadi goobayso dalalka Jabuuti iyo Mozambique, xilli jaadka laga keeno Kenya uu loolan adag kala kulmayo khaadka Itoobiya ee la keeno Soomaaliya.
Guddi dowladda Kenya ay u xil saartay ka tala bixinta sidii loo horumarin lahaa jaadka Meru ka baxa ayaa dhawaan la filayaa inay tagaan dalka Itoobiya, si ay usoo indha indheyaan qaabka lagu horumarin karo ganacsiga jaadka, maadaama Itoobiya ay ka mid tahay dalalka dhoofiya Jaadka.
Wargeyska ayaa sheegay inay jiraan dalal badan ay ku hanjabeen inay mamnuuci doonaan in jaadka la geeyo dalalkooda.
Guddoomiyaha Gudiga Khaadka ee Kenya ayaa waxaa uu sheegay inay ka go’an tahay sidii loo heli lahaa suuq horleh oo badela suuqyadii ay lumiyeen beeraleyda jaadka ee Kenya.
“Guddiga horumarinta jaadka waxay qorsheynayaan inay booqdaan dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Mozambique, si ay ula kulmaan wasaaradaha maaliyadda, beeraha, dadka badeecadaha ka keensada dibadda iyo ganacsatada dalalkaas, si ay u fahmaan bal in ay u baahan yihiin in jad ay soo dhoofsadaan iyo sida lagu gaari karo in wax taya leh loo dhoofiyo,”ayaa lagu sheegay warqadda loo diray wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya.