Somali News

Kenya oo si rasmi ah u sheegtay in ay ka qeyb galayso dhageysiga dacwadda Badda

Xilli 15-ka bisha Maarso ee sanadkan 2021 loo ballansan yahay dhageysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya ee maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa dowladda Kenya waxay ka hadashay inay ka qeybgaleyso dhageysiga dacwaddaas iyo inkale.

Inkastoo dowladda Kenya aysan si rasmi ah uga hadlin mowqifkeeda ku aadan ka qeybgalka dhageysiga dacwadda badda ayaa haddana ilo katirsan dowladda Kenya waxay warbaahinta u sheegeen in Kenya ay dhageysiga dacwadda badda ka qeybgeli doonta, ayna uga qeybgeli doonta qaab fogaan arag ah.

“Maadaama aynu katirsanahay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, waan ku gowracanahay in aan ka qeybgalno oo aan u hogaansano amarka maxakamadda”, ayuu qof katirsan dowladda Kenya u sheegay BBC-da.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ayaa 13-kii bishan gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya.