Nairobi-KNN-Kenya ayaa ku boorisay Beesha Caalamka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay liiskooda argagixisadda ugu daraan Al-shabaab iyagoo ka ambaqaadaya Qaraar ay soo saartay Qaramadda ee tirsigiisu ahaa 1267 Sanadkii 1999.
Wasiirka arrimaha Dibadda ee Kenya Monica Juma oo ka hadleysay Weerarkii ay Al-shabaab ka geysteen Magaaladda Kismaayo ayey tiri “Al-shabaab ayaa sheegtay, waa arrin kale oo beesha caalamka soo xasuusineysa in ay liiska Argagixisadda ku daraan Al-shabaab , wadajirna looga hortago ficiladda iyo fikirkooda”.
“In lala dagaalamo argagixisadda caalamka iyo waxaan idinku boorineeynaa in aad Kenya ka taageertaan in Al-shabaab liiska aragixisadda lagu daro” ayey beesha caalamka ku boorisay Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya.
Inkastoo ay dalal badan Al-shabaab u aqoonsanyihiin Aragixiso, hadana waxaa jira dalal badan oo aan liiskooda argagixisadda ku darin Al-shabaab.
Kenya waxay ka mid tahay wadamdda ay Al-shabaab laf-dhuun-gashay ku noqdeen, waxayna raadineeysaa dadaal caalami ah in Liiska argagixisada lagu daro.