Somali News

Kenya oo xirtay dhalin yaro loo tababarayay Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Booliiska Kenya ayaa deegaan lagu magacaabo Kinango oo ka tirsan ismaamulka Kwale waxaa uu ku xiray 17 dhalinyaro ah, kuwaas la sheegay in ay qorsheeynayeen in ku biiraan Al-shabaab.

15 ka mid ah dhalinyaradda la tuhunsanyahay waa Rag halka Labo kalena ay yihiin dumar, kuwaas oo da’adoodu u dhexeeyso 18 iyo 27 sano, sida ay  Booliisku sheegeen.

Dhalinyaradan waxaa laga soo aruuriyay goboladda dhaca iyo Rift Valley.

Milkiilihii guriga dhalinyaradda lagu aruurinayay ayaa lasheegay in uu baxsaday inta aysan Booliisku soo gaarin ka hor, walima lama shaacin magaciisa iyo aqoonsigiisa midna.

Taliyaha Booliiska Kinango John Kemboi ayaa wargeyska the standard waxaa uu u sheegay in Ciidanka booliiska oo kaashanaya sirdoonku ay weerareen guri Labo Qol ka kooban islamarkaan ay dhalinyaradii lasoo wareegeen.

Inkastoo ay Su’aalo badan u dhimanyihiin, hadana dhalinyaradda la tuhunsanyahay waxay sheegeen in ay guriga laga soo qabtay ku sugnaayeen muddo bil ah ayna sugayeen haggis dheeraad ah.

“dhalinyaraddu waxay ka kalayimaadeen River, Baringo, Rongai oo Nakuru ka tirsan, Mombasa iyo Kilifi, ayuu sheegay Taliyaha Booliisku waxaana wariyay the standard.

Dhalinyaradda waxaa loo gacan galiyay qaybta argagixiso argagixiso la dirika ee Booliiska.

Walina waxaa la raadinayaa ninkii guriga lahaa oo lasheega in u baxsaday.

Wargeyska warkaan qoray ayaa waxaa uu sheegay dhalinyaradda qaarkood ay shegeen in ay Nolol farxad leh ku noolaayeen markii joogiyeen guriga ay ku biirista Al-shabaab ku sugayeen isla markaan ay cunno fiican heli jireen.