Uncategorized

Kenya oo xirtay rag ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab

Muqdisho-KNN-Booliiska dalka Kenya ayaa xiray sadax nin oo ay ku tuhunsanyihiin in ay ka tirsanyihiin kooxda Al-shabaab, waxaana booliisku sheegay in Ragaas lasoo xiray kadib muddo dusha lagala socday.

Dambibaarayaasha gacanta ku haya Kiiska ragaan ayaa sheegay in ragaan oo sadax ah ay ku luglahaayeen falal Amnii darro islamarkaaana ay ku Xiranyihiin Xarakadda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Masuul booliiska ka tirsan oo magaciisa la yiraahdo Matua ayaa u sheegay Daily nation in Ciidmadda maanka ay gacanta ku dhigeen qalabka isgaarsiinta iyo Qalab kale oo lala xiriirinayo Al-shabaab oo ragga la xiray ay isticmaalayeen.

Howlagaladda ragaan lagu xiray ayaa qayb ka ah kuwa ciidamadda Kenya ay ku sugayaan Amaanka gobolka Waqooyi bari.

Al-shabaab ayaa gobolkaas ka fuliyay weerarro dhiig ku datay.

Bisha ramadaan Masuuliyiinta maanka ee gobolka ayaa kordhiyay feejignantooda Amni.