Uncategorized

Kenya oo xukun ku riday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay Al-shabaab.

Muqdisho-KNN-Maxkamad ku taalla Magaalada Mandheera ee Bariga Dalka Kenya, ayaa 30 Sano oo xabsi ah ku riddaay muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/raxmaan Cabdi Taakoow, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ninkan oo 22 jir ah ayaa laga qabtay gudaha xabsi ku yaalla Magaalada Mandheera, iyadoo loogu shakiyay inuu wararka iyo sirta Ciidamada usiin jiray Dagaalamayaasha  Al-Shabaab ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Boliiska Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya ayaa Gacanka ku dhigay C/raxmaan Taakoow 14-kii Septembar ee Sanadkan 2017-ka,iyadoona ninkan la eedeeyay uu iska fogeeyay eedeemaha ay ku soo rogeen saraakiisha Ciidamada ee gacanta ku soo dhigay.

Xubno badan ka tirsan Dagaalmayaaasha Al-Shabaab ayaa dhowr jeer dowlada Kenya gacanta ku dhigtay,iyadoona ay ku eedeyso inay xiriir dhow ay la leeyihiin Al-Shabaab.

Ciidamada Amaanka Wadanka Kenya ayaa cabsi badan ka qaba in Shabaab ay weeraro ka fuliyaan magaalooyinka waaweyne ee wadanka Kenya,inkastoo ay xusid mudan  tahay in marar badan Al-Shabaab ay weeraro ka geysteen gudaha Wadanka Kenya oo dad badan Kenyan ah ay dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay.

Dowlada Kenya ayaa horey u sheegtay inay adkeyn doonto amaanka magaalooyinka ka tirsan wadanka Kenya,waxaa ayna shacabkeeda ugu digtay inay ka fiijignaadaan Qatarta ka imaan karta dagaalamayaasha Al-Shabaab.