Uncategorized

Kenyan Shabaab ah oo ka baxsanaya Duqeymaha Maraykanka oo ku wajahan Kenya.

Muqdisho-KNN-Muwaadiniinta Kenyan ka ah ee al-shabab ay u qorteen in ay ka barbar Dagalamaan ayaa ka Baxsanaya Duqaymaha Mareeykanku uu ka joogteeyay Soomaaliya, sida ay Sheegeen Saraakiil kenyan ah.

 Joseph Kanyiri Agaasimaha Howlagalka Booni oo kormeerayay Howlgalka Dowlada kenya ay u Bilaawday in ay Alshabaab ay ka saarto kaynta Booni,ayaa sheegay in ay jiraan dagaalamayaal kenyan ah oo Doonaya in ay Soomaaliya ka baxaan si ay ugu Biiraan Garabka Jeeysh Al- eyman ee kenya ku sugan.

kanyiri ayaa waxaa uu sheegay in Hey’ado amaan oo iskaashanaya ay adkeeyeen Amaanka Somalia iyo Kenya si looga hortago Dagaalamayaasha Al-shabaab ka Tirsan ee Soomaaliya ka soo baxsanaya.

“waxaan ka war qabnaain xaaladda Soomaaliya aysan Al-shabaab u ahayn meel ay sifiican uga Howlagali kaaraan, waxayna go’aansadeen in ay Soomaaliya kasoo carareen oo ay kenya galaan, waxaan ku Boorinaya in a Maamulka isusoo dhiibaan” ayuu yiri Kanyiri.

sida uu sheegay agaasimaha Howlgalka booni, wiii ka dambeeyay markii Mareeykanku uu kordhiyay Weeraradda ka dhan ka ah Al-shabaab, Dagaalamayaasha Ajanabiga ah ee kenya kasoo jeeda waxay isku dayayeen sidii Duqaymaha Mareykanak ee Soomaaliya uga Baxsan lahaayeen.

Duqayntii ugu Dambeeysay ee Mareeyku uu Soomaaliya ka Fuliyay lala Beegsaday Xero Al-shabaab ay lahaayeen waxaana ku dhintay 100 Dagaalame oo Al-shabaab ka Tirsan sida uu Mareeykanku sheegay, inkastoo sheegashada Mareeykanka ay Al-shabaab Beeniyeen.