Uncategorized

Kenyatta: “Go’aanka maxkamadda wuxuu la mid yahay afgembi”

Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa ku tilmaamay “Afgombi dhanka garsoorka ah” go’aankii ay maxkamada ugu sareysa ku laashay guushii ay doorashada ka gaareen.

Madaxwaynaha oo ka hadlayay kulan uu aqalka madaxtooyada kula yeeshay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha gobolka waqooyi bari, ayaa wax la yaab leh ku tilmaamay in “shaqsiyaad ay wax waliba badalaan”.

Madaxweynaha ayaa ka jawaabayay go’aankii faahfaahsanaa ee shalay ay shaaciyeen garsoorayaasha maxkamada ugu sareysa Kenya oo sharaxay sababta ay natiijada doorashada u laaleen.

Aqlabiyada garsoorayaasha ayaa waxa ay sheegeen in doorashada ay ahayd mid aan hufnayn oo aan la xaqiijin.

Mr Kenyatta ayaa sheegay in aysan jirin doorasho aan lahayn qaladaad.

Madaxwaynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa ayaa weerar afka ah ku qaaday garsoorayaasha maxkamada oo ay ku eedeynayaan in ay hor istaageen go’aanka malaayiin qof oo u codeeyay xisbigooda Jubilee.

Madaxweyne Kenyatta ayaa isla maalintii go’aanka la riday sheegay in uu ixtiraamayo xukunka, inkastoo uu sheegay in uusan ku raacsanayn garsoorayaasha.

Laakiin saacado ka dib, mar uu la hadlayay taageerayaashiisa wuxuu sheegay in “burcad” ay yihiin garsoorayaashii go’aanka gaaray.

Horraantii isbuucan, guddiga adeega garsoorka Kenya ee uu hogaamiyo gudoomiyaha maxkamada ugu sareysa David Maraga ayaa ka digay in loo cagajugleeyo waaxda garsoorka Kenya.