Somali News

Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Allaha u naxariiste, waxaa isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa ku geeriyootay Khadra Daahir Cige oo kamid aheyd Fannaaniinta Soomaaliyeed.

Ehelada fannaanada ayaa sheegay in maalmahan xanuunsanayd Khadra, iyada oo xaladeeda caafimaad lala tacaalayay.

Khadra 1959 ayay ku dhalatay magaalada Hargeysa, waxaana ay ahey 63 jir.

Fannaanad Khadra Daahir Cige ayaa fanka ku soo biirtay 1974, waxaana ay kamid aheyd kuwo loogu jacelyahay Fannaaniinta Soomaalida.