Somali News

Khalaafkii maamulka G/Hiraan oo lagu wado in maanta xal laga gaaro

Beledweyne-KNN-Xildhibaan Farxiyo Cali Muumin oo ka mid ah xubnihii dowladda federaalka ee ku baxay khilaafka ka taagan maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa KNN u sheegtay in saacadaha soo aadan lagu rijo weynyahay in xal laga gaaro khilaafkii u dhexeeyay Yuusuf Dabageed iyo Madaxweyne Waare, ee salka ku hayey cidda maamuleysa Gobolka.

Waxa ay sheegtay in kulan xalay ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Hiiraan uu ku leeyahay magaalada Beledweyne ay iskugu yimaadeen xubno Xildhibaano ah oo ay kamid tahay, Siyaasiyiin, Madaxweyne Waare iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed uu kusoo dhaamaday natiijo wanaagsan, isla markaana ay maanta isugu imaanayaan kulan kale.

Xildhibaan Farxiyo Muumin ayaa KNN u sheegtay in saaacadaha soo socda xal kama dambeys ah laga gaari doono khilaafkii kala geeyay maamulka Gobolka Hiiraan, ee ka dhashay xilka qaadistii uu Madaxweyne Waare ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Yuusuf ayaa diiday in uu xilka wareejiyo isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Waare in uu ku tagri-falay canshuurta laga qaado shacabka gobolka Hiiraan, eedaas oo uusan Madaxweynuhu weli ka hadlin.

Xaalka Gobolka Hiiraan ayaa cakiran, qaybo gobolka ka mid ah waxaa ku isku hor fadhiya Beelo Gobolka wada dega oo horay ay dagaallo qaraar u dhex mareen.

qayb kale oo Gobolka ka mid ah waxaa ku dagaalamaya Dad rayid ah oo Macawisley labaxay iyo Al-shabaab. Halka qaybo ka mid ah gobolkana ay ay Al-shabaab go’adomiyeen.