Gaalkacyo-KNN-Inta la xaqiijiyay shan qofood oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyootay, ugu yaraan 10 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal gelinkii dambe ee maanta ka dhacay koonfurtta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab qeybtooda fariisinka ku leh koonfurta Gaalkacyo iyo maleeshiyo hubaysan oo u abaabulan qaab beeleed.
Dagaalka ayaa salka ku haya nin ganacsade ah oo habeen ka hor ay xireen ciidanka Danab, kaas oo maleeshiyada hubeysan ay dooneyso inay awood kusoo furato.
Malayshiya beeleedka ayaa markii hore dalbaday in ciidanka dowladdu ay si deg deg ah u sii daayaan ninkaas u xiran, balse saraakiisha ciidanka Danab ayaa ku gacan seyray dalabkooda, taasi oo keentay in dagaal ka dhex qarxo labada dhinac.
Waxgaradka koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa labada dhinac ka dhex bilaabay waan waan, saraakiisha Danab ayaan sidoo kale weli cadeyn sababta loo xiray ninka ganacsadaha ah ee la sheegay in uu u xiranyahay, kaas oo uu ka bilaawday isku dhacan.