Uncategorized

Khasaaraha ka dhashay duqeymaha Israel iyo Falastiin oo kordhay

Israel ayaa duqeymo xooggan oo ay ka fulisay Qasa waxaa ku geeriyooday in ka badan 160 Falastiiniyiin ah, iyada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 1,000, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Duqeymaha ayay Israel sheegtay in ay uga jawaabeyso weerarkii ay ururka Xamaas ku qaadeen qaar kamid ah magaalooyinka ay heystaan Yahuuda.

Sidoo kale, waxaa sii kordheysa tirada dadka ku dhintay weerarka Xamaas, Saraakiisha caafimaadka Israa’iil ayaa sheegay in ugu yaraan 40 Israa’iiliyiin ah ay ku dhinteen 750 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisa uu dagaal ku jiro, halka mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ay sheegeen in soo afjari doonaan Yahuuda heysata dhulkooda.

La taliyaha hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ali Hosseini Khamenei ayaa sheegay in Iran ay taageertay weerarka Falastiiniyiinta, xilli kastana ay garab taagan yihiin walaalahooda.

Dhinaca kale, Maraykanka ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono sidii ay Israa’iil u xaqiijin lageyd Amnigeeda, sidoo kale UK, EU iyo Ukraine ayaa cambaareeyay weerarrada Xamaas ee Israa’iil.