Muqdisho-KNN-Sida ay sheegeen laamaha amaanka ee Dowlada iyo qaar ka mid ah Isbitaaladii la geeyay dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Hoteel Weheliye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay korortay dadkii ku dhintay Qaraxaasi.
Afayeenka Wasaarada amniga xukumada Soomaaliya waxa uu sheegay in ay korortay tirada dadka ku dhintay Qaraxii shalay, oo markii hore eheed ku dhawaad 15 ruux.
Cabdicasiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa tilmaamay in dadka dhintay hadda gaarayaan 17 ruux, kadib markii ay dhinteen dadkii dhaawaca ahaa ee la geeyay Isbitaalada muqdisho.
Afayeenka Wasaarada amniga xukumada Soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan ayaa dhankale tilmaamay in Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho loo adeegsaday MOOTO BAJAAJ, isla markaana aysan aheen Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo markii hore laamaha amniga Dowlada ay sheegeen in Qaraxaasi loo adeegsaday.
Afayeenka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in ay ka aarsadaan marka ay geystaan dhacdooyinka nuucaan oo kala ah Kooxda Al-shabaab oo weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho sheegatay mas`uuliyadiisa.