Somali News

Khasaaraha ka dhashay shilka diyaaradii ku bur-burtay Hindiya oo kordhay

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 18-qof ayaa dimatay halka in kabadan 100 ruuxna ay dhaawacmeen, kadib markii diyaarad ay lasocdeen ay ku bur burtay magaalo ku taalo koonfurta dalka Hindiya, sida ay sheegayaan masuuliyiinta.

Wasiirka duulista rayidka Hindiya ayaa warbaahinta u sheegay in 18-ka qofood ee dhimatay ay ku jiraan labo kamid ah duuliyaashii diyaaradda.

Shilkan oo dhacay Jimcihii ayaa sidoo kale wasiirku sheegay in haatan ku dhawaad 127 ruux xaaladooda lagula tacaalayo isbitaalka.

Diyaaradda bur burtay ayaa la sheegay in ay kasoo duushay Dubai, kadibna ay cagaha la weysay waddada ay ku cararaan diyaaradaha, iyadoona ugu danbeyn u kala go’day labo qeybood.