Somali News

Khasaare badan oo ka dhashay shil ka dhacay Soomaaliland iyo Ajaanib ku dhimatay

Hargeysa-KNN-Afar ruux ayaa ku dhimatay oo labo ka mid ah ay ahaayeen ajaanib uma dhalatay dalka bangaladhesh shil gaari oo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Dacar-buluq ee duleedka magaalada Hargeysa.

Halka tirada dhaawacyadu ay intaasi ka badanyihiin, ilaa 10 ruux oo uu ku jiro darawalkii waday gaariga rogmaday ayaa la sheegay in ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan oo qaarkood halis ah.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliland ahna Taliyaha Nabad-geliyada wadooyinka Faysal Xiis oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka uu shilkaasi u dhacay.

Afhayeenka oo sababta shilkaas dusha ka saaray darawalkii waday gaariga ayaa yiri “Shilkaasi waxaa sababay darawalkii gaariga waday, Afar qof ayaa ku dhimatay oo laba Bangaladhesh u dhalatay, labana Somaliland yihiin, waxaana ku dhaawacmay 10 kale oo Afar Bangaladesh yihiin lixna Somali yihiin, Ciidamada Booliska ayaa durbadiiba u gurmaday dadkii ku wax yeeloobay Shilkaasi.”