Somali News

Khasaare ka dhasay dagaal dhexmaray Ciidamada Iiraan iyo Afghanistan

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen ka dib isku dhac dhexmaray Ciidamada Ilaalada xadka Iiraan iyo Ciidamada Afghanistan.

Dowladda Afgaanistaan ayaa sheegtay in mid ka mid ah saraakiisheeda lagu dilay dagaalka maanta, kaasoo ka dhacay xadka u dhaxeeya gobolka Nimroz ee dalka Afghanistan iyo gobolka Hirmand ee dalka Iran.

Ma ahan markii u horreysay ee iska hor imaad nuucaan ah dhexmarayo labada ciidan ee Afghanistan iyo Iiraan, tan iyo markii ay xukunka la wareegeen Taalibaan. Labada wadan ayaa midba kan kale ku eedeeyay dhacdadaasi, mana ahan

Iran ma aqoonsana xukuumadda Taalibaan ee Kabul.