Uncategorized

Khasaare ka dhashay Bam Gacmeed lagu weeraray Ciidamo ku sugnaa Sh/Hoose.

Wanla-Weyn-KNN-Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 3 kalane Dhaawacyo ayaa ka soo Gaaray Bam Gacmeed lagu weeraray Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa ka dhacay Hotelka Daawle ee duleedka degmada Wanla-Weyne ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay Saldhig ka dhigteen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa KNN u xaqiijiyey Bam Gacmeedkaan Khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay degmada Wanla weyne ee gobalkaasi.