Somali News

Khasaare ka dhashay Booliis iyo Burcab xalay ku dagaalamay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal Ciidamada Booliiska ay ka sameyeen xalay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo laga fuliyay rugta Qudaarta waaxda Taleex ee degmada Hodan ayaa la sheegay in uu dhacay ka dib markii shacabka deegaanka ay Booliska ku war galiyeen in rag hubeysan ay dadka ku dhacayaan agagaarka waaxda Taleex.

Burcada lagu eedeeyay in ay dadka dhacayeen oo ka koobnaa labo ruux ayaa la dilay mid ka mid ah ka dib is rasaaseyn dhexmartay Booliska iyo dableyda hubeysneed, waxeyna la sheegay in uu baxsaday ruuxii kale.

Ciidamada Booliiska ayaa la sheegay in iyagana uu khasaare ka soo gaaray goobta, iyadoo uu dhaawacmay Taliyihii watay Ciidamada sidoo kale waxaa is rasaaseyntaas ku dhintay qof kale oo shacab ah.

Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya Gen. Zakiya Xuseen ayaa barteeda Twitter-ka sidaasi ku xaqiijisay, sidoo kale Zakiya ayaa sheegtay in Ciidamada Booliisku ay soo qabteen Askari maalin ka hor degmada Howlwadaag ku dhaawacay qof shacab ah.