Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dab xoogan uu xalay fidkii ka kacay xarrunta Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee Habar Khadiijo taas oo ku tala degmada Shibis ee gobolka Banaadir.
Dabka aya waxa uu si gaara h ugu kacay qeybta keedka hubka hay’adaasi waxaana la sheegay in uu ku geeriyooday hal askari oo ka tirsan Nabad Sugida Soomaaliya, halka kuwo kalena ku dhaawacmeen.
Kooxda Gurmadka deg dega ee dab-damiska ayaa gaaray goobta, waxaana lagu guulleystay in gabi ahaanba la damiyo dabka.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Nabad Sugida oo ku aadan sababta keentay in dabkaasi uu ka kaco xarruunta.