Somali News

Khasaare ka dhashay dagaal ka socda Yemen

Sanca-KNN:Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dawlada Yemen iyo maleeshiyada ururka Xuutiyiinta ayaa ka dhacay magaalada Ma’arib ee waqoyiga Yemen oo ay gacan ku haynteeda isku haystaan labada dhinac.

Warbaahinta madaxa banaan ee dalka Yemen ayaa sheegaya in dagaalkaan oo illaa jimcihii magaaladaan ka socday inay ku geeriyoodeen boqolaal askari oo labada dhinac ah.

Jeneral Cabdiqani Shalaan taliyaha ciidamada Yemen ee magaalada Ma’arib ayaa u sheegay in dagaal socday muddo 24 saac ah ay ku dileen 28 dagaalame oo Xutiiyiinta ka tirsan oo ay saraakiil sar sare ku jiraan dhankoodana waxaa uu sheegay in 22 askari kaga geeriyootay.

Dhanka kale dawlada Sacuudiga ayaa sheegtay inay ka hor tagtay gantaalo Xuutiyiintu ku rideen magaalada caasimada ah ee Riyat.

Wasaaradda gaashaandhiga Sacuudiga war laga soo saaray waxaa lagu sheegay in labo gantaal oo ay Xuutiyiintu ku rideen magaalada Riyad ay ciidamada difaacu hawada ku qarxiyeen ka hor inta uusan gaarin bartilmaameedkiisa.