Somali News

Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo lagu weeraray saldhig ay Ciidanka Amniga ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Walxaha qarxa, isla markaasna lala beegsay xero ciidan.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qaraxa.

Weli laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya kama hadlin qaraxa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Weerarkaasi.