Qof isku soo xiray walxo qarxa ayaa isku qarxiyay goor dhaw maqaayad ku taala xerada saraakiisha oo u dhaw wasaaradda Gaashaandhiga ee Muqdisho.
Waxaa jira khasaare soo gaaray dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in qaraxa uu ku dhintay Cabdi Axmed Yuusuf (Afar sheegle) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Shebeellada hoose.
Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.