Uncategorized

Khasaare ka dhashay qarax miino oo ka dhacay Degaanka Qaayib

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxayo gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo saaka aroornimadi hore miino kula Qaraxday halka loo yaqaan Xaar-Xaar oo qiyaastii 3KM dhinaca waqooyi kaga Beegan deegaanka Qaayib ee Galgaduud.

Gaarigan oo ahaa nuuca loo yaqaan Surf ayaa shalay gelinkii dambe kasoo baxay Magaalada Cadaado, sida ay inoo sheegeen Goobjoogayaal aynu la hadalnay.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleeyno khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa sheegaya in hal nin Ku geeriyooday halka mid kalena ku dhaawacmay qaraxa miino.

Wali lagama helin Faah-faahin intaas dheer oo ku aadan qaraxa miino mana jirto ilaa iyo hada cid dheegatay mas’uuliyadiisa.

Wixii kusoo kordho halkaan kala soco