Somali News

Khasaare ka dhashay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Thailand

Diyaaradda oo ku socotay dalka Singapore ayaa cilad soo wajahday awgeed waxaa loo weeciyay garoon ku yaalla magaalada Bangkok ee dalka Thailand.

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta diyaaradda Singapore Airlines waxaa jira dhaawacyo soo gaaray rakaabkii saarnaa diyaaradda, iyada oo qaar kamid ah xaaladooda culustahay.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 211 rakaab ah iyo 18 shaqaale ah.